English text

Qiyaasidda Xaaladda Nolaleed ee Ka Jirta Soomaliya
..............................................................................................

Hadii larabo wadani xaaldiisa sida uu ku sugantahay in l ogaado, waxaa laga qiyaasqaataa xaaladda ay ku suguan yihiin caruurtiisa iyo hooyooyinkooda. Nasiibdaro, dagaaladii sokeeye ee dheeraaday, ayaa aad u dhawacay, qaabdhismeedkii bulshada soomaalida iyo wixii fursad ah oo ah heli lahaayeen

Tirada dhimashada caruurta iyo jiradoodaba, Somaaliya iyada ayaa ugu sareeyso Aduunyada. Sahan la suubiyey sanadkii 2000, wuxuu muujiey ugu dhowaan 25% caruurta soomaalida ay dhintaaan in taysan shan sano gaarin, waxaana dilaya cuduro laga hortagi karo ee la xiriiro habneefsiga iyo shubanka.

Nafaqodarada waa dhibaato joogta ah, 25% Caruurta |Somaalida miisaankooda ayaa hooseeyo. 100000 (boqolkii kun) ee caruur ee dhalato, ilaa 1600 hooyo ayaa ku dinta foosha ku dheeraato iyo dhiiqbax iyo cuduro kale.

Afartii qofba, wax kayar hal, ayaa biyo nadiif uu cabo heysto, in ka yar bar ummadda soomaalida ayaan leheyn musqol. Sahankii ay samaeysay hadadda UNICEF 2003-2004, waxa uu muujininyaa in 19..9% waxa ka yar in caruurta dugsiyada la goray.

Sahanadaas, marka lasookoobo waxay tusayan celceiskas dadka soomaalida noloshooda ay tahay 46.2 Sano.

......................................................