|
<<Back
NABAD BAA WAX LAGU QABSAN KARAA
Hadalkii uu Jeediyay Danjire Francois Lonseny Fall, Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qarammadda Middoobay u qaabilsan arrimaha Soomalia, maalinta nabadda Adduunka 2006
Shan iyo labaatan sanno muddo laga joogo maanta, wadamadda adduunka waxey u codeeyeen maalinta nabada aduunka- oo ah maalin xabad joojin jirto, qoryaha oo dhanna la aamusinayo, bulshooyinka iyo ummada colaadi ka dhexjirtana ay laalaan colaadoodu maalintaas. Soomaaliya waxa ay leedahay ama latimid waayo arrignimo gaarahaaneed si dhibaatadda haysata ay oogu baxddo unna xusto maalinta nabadda addunka. Bulshdda rayidka ah ayaa geesinimo miujinaysay 16 kaan sanno si ay u xusaan malinta nabadda addunka iyadoo dalka ayna kajirin hayadihii addega bulshadda qaban lahaa.
Sanadan, qabanqaabada maalinta nabadda aduunka waxay ka soctaa dhamaan magaalooyinka waa-wayn ee dalka Soomaaliya. Dhaqan ahaan, Haweenka iyo dhalinyerada ayaa dowr wayn ka ciyaarra maalinta nabadda aduunka- iyaga oo samaynayo ciyaaro kalagedisan, banaanbaxyo nabadeed, qabanaayo dood furan, tirinaayo heeso iyo ciyaaro- dhamman arimaha aan soo shegnay waxay dhacaayaan isbuucaan. Laakiin dhacdadii Baydhaba iyo tii Xamar, iyo weerardii kale ee dhowaan ka dacay meelo kamid ah dalka, ayaa ah kuwo murugo leh - muujinayana dhibaatada dhici karta mustaqbalka.
Sidaan dhoor jeer oo hore u soo jeediyay, waxaan oogu baaqayaa masuliyiinta kala hogaaminaya argtiyadda ama afkaarta kala gedisan ee dalka kajirta iney joojiyaan arimaha ay isku hayaan, tixgeliyaana, awaaqibxumadda ka dhalankarta deganaasho la'aanta isa soo tareysa ee kajirta dalka, soona foodsaartey qaab-dhismeedka aad ka u jilicsan ee bulshada Soomaaliyeed.
Labadii weerar ee dhacay isbuucan, waxay nabaddi sii geliyeen mugdi horleh. Dilkii 17 Sebtember la diley baderiyadda, Leonella, oo u addegaysay bahidda caruurta ku nool Muqdishu, iyo isku daygii dilkii dhicisoobay ee maddaxwayne Yusuf, kanna dhacay Baydhabo ayaa loo arkay shaqaaqo ama dhibaato horleh kunna soo korartay dalka iyado dhacdadda baydhabo ka dhacday loo adeegsday gaari bam lagu soo xirey.
Maanta waxaan jeclaan lahaa in aan wax badan oo wanaagsan ka iraahdo mustaqbalka Soomalia, laakin daruuro badan oo wax haraynaya iyo arrimo badan oo aan lahubin halka ay ku dambayndoonaa ayaa ii bidhaamaya. Waxaa kale oo jira, danno far baddan oo aad u kala fog, iskana soo horjeedda, oo wax yar un ka khuseeya baahidda aadka u wayn ee bani aadinomo ee haysata bulshadda rayidka ah iyo horumarinta dalkuba.
Sanadkan, xiliyo wanaagsan ma soo marin Soomaaliya. Abaar iyo fatahaad isku xigay ayaa si gaar ah oogu aafeeysay dad badan goboladda dhexe iyo koonfuta Soomaaliya, dhibaatadaas oo qaramada midoobay iyo bulshada caalamkuna kaalmo ka geesteen siddi dadka looga samata bixin lahaa. Abaartii ugu xumeed ee dalka ka dhacda, toban kii sanno ee la soo dhaafay, waxay kaliftey in 2.1 milyan oo qof ay ku tiir sanaadaan kaalmo dibadeed.
Waxaan maraynaa ama joognaa marxaladd rajo iyo wel-wel intuba way jiraan. Rajo ayaa jirta- haddi dhinacyada is haya ay ka fekeraan mustaqbalka carurtooda iyo wadada dib uheshiisiinta. Wel-wel ayaa jira, haddii dhinacyadda jira ay doortaan inay maraan wadadii lagu guuldareestey ee xooga iyo qaska ku dhisneed- Soomaaliyana kama baxayso dhibka iyo murugadda hadda ka jirta.
Qaramada midoobey waxay todobo iyo toban (17) xafiis ku leedahay sideed iyo labaatan (28) goobood oo kala gedisan ee dalka Soomaaliya, ku waas oo dadka Soomaaliyeed ka caawinaya wixii ay karaamba. Joogitaanka xafiisyadaasi ay dalka joogaan iyo guusha ay ka soo hoyeen talaal wadareedka ay dadka ka talaalayaan cudurada sida cuddurka booliyo, iyo cutada ay ummadda u qaybinayaan, iyo kaalmada farsama ee ay dadka gaarsiinayaa,- dhamaan- waxay markhaati u yihiin in ay ‘Nabaddu Shaqeen karto’.Waxaan kaalmo ka gaysanay dhinaca maamulka sidda soo noolaynta howlaha Boliska, fidinta biyaha, caafimmadka, iyo tacliinta. Caruur gaaraysa ilaa iyo 70,000 ayaa sannadkii la soo dhafay gashay is kuuldda. Arrintani ma ah arrin un u fiican carrurta ee waa arranta saldhigga u ah waxa aan nabadd iyo dib uheshiisiin u doonayno. Meeshi nabadgelyo ay ka jirtana, ummaddu ay ka faaidaysanaysaa, bulshada caalamkuna kaalmo bani adinimo ayey ka gaysan karto.
Waxaan xiriir malinla ah la leeyahay madaxda Soomaaliyeed iyo kuwa kala hogaamiya urur goboleedyadda wawayn iyo wadamada deriska ahba. Waxaana si joogta ah oogu sheegaa ururrada aan soo sheegay baahidda loo qabo wadahadal iyo dib u heshiisiin in lagu dhameeyo xaalka jira. Mar, mar qofku wuxuu dareemaa iney Soomaaliya rajo ka jirto, sida anigaba manta aan dareemayo oo ah Malinta Nabadda Addunka.
Heyadaha fadaraaliga ah ee dalka ka jira waxay u shaqaynayaa sidii ay u soo celin lahaayeen hayadihii adeegga bulshada, isla markaasna u xalinlahaayeen qaar ka midah arimmaha ugu ad adag ee dalka ka jira. Waxaa i farax geliyay calaamadihii nabad soo celineed ee ka bilowdey Muqdisho, isla markaasna lugu ciqaabaayay qab qablayaashii hore ee dalka ka jirey, isla markaasna dad weenha loogu soo celinayay nabadda. Waxaa kale ee aan arkey soo kabsashada dhaqaale ee ka jirta Somaaliland iyo Puntland meelahaas oo nabadda iyo ka la dambanta ka jirta ay dadku kalsoonidii ku soo celiyeen.
Waxaa kale oo aan aragney bilowgii wadahadaladii waxtarka lahaa ee Khartum, dhexmareyna dowlada Fedaraaliga kumeelgaarka ah ee sida ku meelgaarka ah Baydhabo u joogto iyo Golaha Sare ee Maxaakiimta Islaamiga ee Xamar ka jira. Rajada maanta waxay ku xirantahay wada hadalada seddaxaad ee Khartum ka jira kuwaas oo si nabad ah loogu dhameynayo is fahmi waaga ka jira labada dhinac. Wada hadaladii labada jeer ka dhacay Khartum, ayna marta gelisey Jaamacada Carabta, labada dhinac ee is haya waxay ku guuleesteen in ay si sharci ah isu aqoonsadaan iyo baahidda ay u qabbaan in ay ka yeeshaan wadahadal wax tar leh mustaqbalka carurtooda.
Waxaan mar labaad oogu baaqayaa qof kasta oo danaynaya mustaqbalka wanaagsan ee dadka Soomaliyeed, in ay fursad siiyan geedi socodka waddahaddala nabadda lagu baadi goobayo. Waxaan aad u aaminsnahay in ‘Nabadda ay Shaqaynkarto’. Maxaa yeelay, waayo aragnimadu waxay na bartay, in wadamadda colaadda iyo fakhriga halakeeyeen dhibka looga saari karo wada hadal iyo isu tanaasul keliya. Iyo ayaga oo laga kaalmeeyo shinacca dibu dhis iyo hor umarinta si caalamiah.
|