|
Ergayga Gaarka ah (SRSG) oo ku baaqay in ay si guul leh u dhaqan
galaan waxyaabiyii ka soo baxay Shirkii Brusels ee Soomaalia.
..............................................................................................
Nayrobi: 27 Abril: Ergaygga Gaarka ah ee Qarammadda Middoobay
uqaabilsan Arrimaha Soomaalia, Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa ku amaanay
Bulshada caalamka sida deeqsinimada leh ee ay ugu balanqaadeen lacag Gaaraysa
US$ 213 Milyan Hay’addaha Arrimaha Nebedgelyadda u Qaabilsan Soomaalaiya
iyo Howlgalka Ururka Midowga Afrika ee Soomaliya ( AMISOM). Sidoo kale,
waxaa uu sheegay in si dhakhso leh loo helo dhaqaalihii la balan qaaday
loona isticmaalo si maangal ah oo ay mas’uuliyadi ku dheehantahay.
“ Shirkii caalamiga ahaa ee ka dhacay maalintii Khamiista aheyd
Brusels, ayna ka soo qaybgaleen madaxda Qaramadda Midoobay, Ururka Midowga
Africa, Ururka Midowga Yurub iyo kan Ergadda Reer Yuruba, Ururka Midowga
Carabta, iyo Ururka Islaamaka Addunka, waa in uu astaan u noqdaa in xaaladda
Soomaalia uu isbedel ku yimid. Mar haddii la xoojinayo hay’adaha
nebedgelyada, shaqana loo abuurayo dhalinyarada, kaalmada bani’aadinimo
ee muhiimka ahna la gaarsiinayo ummadda, nabad waarta iyo xasilooniba
waxay dalka ugu soo noqonaysaa si tartiib-tartiib ah iyadoo la adeegsnaayo
sida ku cad heshiiskii Jabuuti.
“ Waxaa mahadleh heshiiskii Jabuuti, maxaa yeelay dadkii barakacay
ayaa guryahoodii ku soo noqonaaya, barlamaanku waa loo waa dhan yahay,
dawlad midnimo Qaran leh ayaa la sameeyey, waxaana si habsami leh oo kala
horeysa dalka uga baxay ciidamadda Ethiopia muddo sadex bilood laga joogo.
“ Madaxdii dalka ka carartay sanadkii 2006 ayaa soo noqotay, aniguna
waxaan ku guubaabinayaa madaxdani inay si nabadi ku dheehan tahay oo waxtar
leh uga qeyb qaataan dib u soo nooleynta wadankooda ”.
Mudane Ould-Abdalla wuxuu xasuusiyey shaqsiyaadka Soomaalida ah ee ku
jira liiska cunaqabataynta Golaha Amaanka waa inay muujiyaan wadaniyad
aad u weyn horeyna u socdaan waana inaynan wadankooda madax furasho u
haysanin iyagoo fiirsanaya danahooda gaarka ah keliya.
“ Haddii shaqsiyaadka aan soo tilmaamay ay si waxtar leh ugu howlgalaan
helitaanka nabadda iyo xasiloonida, Ould-Abdalla wuxuu yiri “Waxaan
diyaar u ahay, anigoo ah Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midooway
inaan baadi goobo taageerada bulshada caalamka si si guul leh aan wax
uga qabto xaaladaha sharci iyo diblomacynimo ee shaqsiyaadka aan soo sheegay”
“ Hadda waxaan joognaa waqtigii dadka Soomaaliyed ay dadkooda,
dadka gobolka iyo bulshada caalamkaba u miijin lahaayeen inay markaan
dhab ka tahay inay nabad helaan ayna iska iloowayaan dhaqankii ku dhisnaa
ninkii guuleysta ayaa wax walba qaata iyo samaysashada isbahaysiyada isbedbedala
markasta kuwaasoo ilaa iyo haddana dalka arimahiisa sii xumaynaya, waxaa
hadda la joogaa waqtigii dhamaan dhinacyada oo dhan ay taageri lahaaayeen
guusha la gaaray si wadajir ahna loo wada howlgeli lahaa si loo xaqiijiyo
in Soomaaliya ay dib ugu soo noqota sharaftii ay dunida ka mudneyd. 20kii
sano ee la soo dhaafay, awood sheegasho qolana uma suurtagelinin inay
awooda ku sii haysato haddana uma suurtoobayso inay qolo awood wax ku
hesho”.
Waxii war dheeraad ah fadlan la xariir: Susannah Price/Donna Cusumano,
Sarkaalka warbaahinta guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha
Soomaaliya, (Nairbo-Kenya Tel. + 2542-076 21 192 or +254-733 902 020 (mbl)
Please visit: www.UN-Somalia.org |