United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)
     

Wakiilka gaar ah ee Xogahayaha guud ee Qaramadda Midooway oo cambareeyey dagaalka ka socda Magaalada Mogadishu sababayna dhimashada dadka Rayidka ah

..............................................................................................

Addis Ababa, 12 Maajo 2009, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midooway u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Ahmed Ould-Abdallah ayaa si xoog leh u cambaareeyey is gardaraysiga joogtada ah ee ka socota Mogadishu ee lagu bartilmaameedsanaayo Dawlada Sharciga ah ee Soomaaliyeed. Wuxuu yiri Dagaalka iyo Qaska Socda ee sababay dhimashada iyo barakaca dad fara badan oo shacab ah waa mid aan gebi ahaanba la ogolaan Karin.

“Waa in si degdeg ah loo joojiyaa dagaalkani” ayuu yiri Ould-Abdallah “ Waxaa hadda Mogadishu ka jira dawlad cusub oo sharci ah ayna bulshada caalamka aqoonsan tahay waana in la taageeraa dawladaasi. Shaqsiyaad kheyrul-Mas’uuliyiin ah, haysatana taagerada dad Ajnabi ah ayaa weeraray Mogadishu ayagoo isku dayaaya inay xoog ku qabsadaan awooda. Waxaa la yaab leh inayna jirin hal Qabiil oo gaar ah oo si cadaan ah u sheegtay mas’uuliyadan qalaanqalka loogu abuuraayo Soomaaliya.

Dadka Soomaaliyeed waxay si cad u muujiyeen inay ka xun yihiin kana daalan yihiin dagaal, haddana mar labaad ayaa dagaal la geliyey kaasoo lagu dilay laguna barakiciyey dad aan waxba galabsanin oo Rag, Haween iyo Caruurba leh. Magaranaayo sababta Soomaali dhexdeeda u dagaalamayso isuna dilayso”.

Ergayga gaarka ah wuxuu yiri geedi socodka nabada Jabuuti waa uu socdaa wuxuuna u furan yahay koox kasta oo taageerta Nabada iyo Deganaanshaha. Wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay in Ururada Gobolka sida IGAD iyo Ururka Midowga Afrika ay si shaqse leh talaabo u qaadeen una cambaareeyeen fidnada socota, diideena gardaraysiga una diyaarinayaan Talaabo wax lagu qabanaayo.

Haba yaraatee ma jirto wax cudurdaar ah oo loo helaayo Qaskan socda, kuwa qaaday weerarkana waa inay diyaar u ahaadaan inay qaadaan mas’uuliyada ka dhalan karta ficilkooda. Waxay ku talagalsan yihiin inay sii wadaan deganaansho la’aantii iyo is xukun la’aantii dalka ka jirtay 20kii sano ee la soo dhaafay, haddaba arintani waa in ay diidaan dhamaan dadka Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamkuba”


Waxii war dheeraad ah fadlan la xariir: Susannah Price/Donna Cusumano, Sarkaalka warbaahinta guud, Xafiiska Qaramad Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, (Nairbo-Kenya Tel. + 2542-076 21 192 or +254-733 902 020 (mbl)

                                 Please visit: www.UN-Somalia.org