|
XAFIISKA QARAMADDA MIDOOWBAY UQAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADA SOOMALIYA(UNPOS)
..............................................................................................
WAR SAXAAFADEED 009/2008
Nairobi, 4 Abriil 2008: Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoowbay u qaabilsan arrimaha Somalia , Ahmadou Ould-abdallah ayaa ugu baaqay umada soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatada, siyaasiyiinta iyo dadka qurbaha kunool in ay dhamaantood garab istaagaan geedi socodka nabada ee hada socda.
Wuxuu yiri, waxaan Nairobi ku marti qaaday isbaheeysiga mucaarka ah ee dib uxoreeynta Somaalia (ARS) si looga hadlo mustaqbalka dalka Somaliyeed. Wuxuu yiri, waxaan ku faraxsanahay wadahadalada hada socda, waxaana kurajaweenahay in eey horseedi doonan wadahadal mucaaradka la yeesho Dowlada Fadaraalka ee ku meelgaarka ah iyo habkii loo dhameen lahaa dhibaatidii soo jiitameeysay mudada dheereed ee dadka Somaliyeed quseeysay.Ergayga wuxuu tilmaay in eey qarammada midoobay la leedahay Dowladda kumeelgaarka ah xiriir miradhal ah uuna kufaraxsanyahay dadaalka dowlada eek u aadan dib u heshiisiinta.
“waxaan ugu hambalyeenaayaa Madaxweeynaha, Afhayeenka baarlamaanka iyo Ra’isul wasaaraha sida ay tilaabada kowaad u qaadeen una jeexeen qorshaha dib u heshiisinta”, ayuuyiri Ergayga.
“ Talaabadani waxaan u arkaa a mid wanaagsan oo muujinaysa in garabyada Somaaliya kajira ay wadankooda si dhab ah ay ooga murugsanyihiin,” ayuu yiri Ergayga. Ummadda Somaaliyeed dhamaanteeda waxaan ka codsanayaa in ay hanaankan cusub ay fursad siiyaan. Gabi ahaanba, sii socoshada dhibaatada wax natiija ah malaha. Sidaa darteeda dadka Somaaliyeed waa in aysan fursad siinin kuwa marwalba iskudaya in ay Somaalida kalaqeebsanaato. Somaalidu waa in eey taagaareen hogaankooda, adkeeyaan midnimadoda isla markaasana ay fahmaan in habka awood qaybsiga uu yahay midka oogu wanaagsan oo horay loogu socaon karo.”
Wuxuu yiri inta ay Somaalidu dhaxdeeda dagaalameeyso, qolooyinkale ayaa iyaguna guranaaya Khayraadka bada iyo beriga Somaaliyeed.”
“Waxaan rumeeysanahay in muwaadiniinta runta ah ee Somaaliyeed ay manta dalka gudihiisa dagaal ugu jiraan sidii midnimo iyo barwaaqo loo helilahaa.”
For more information please contact: Susanna Price, Public Information Officer, UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya ) Tel. +254 20 762 1192 (o) or +254 733 902020 (m).
Please visit: www.UN-Somalia.org
|