|
Xafiiska Qarammadda Middoobay u Qaabilsan Arimaha Siyaasadda Somaaliya (UNPOS) ..............................................................................................
War Saxaafadeed deg-deg ah
War Saxaafadeed tirsigiisu yahay
0013/2008
Eygayga Gaarka ah ee Qarammadda Middoobay oo sheegay in arrinta Soomaalia ay mudnaanta koowaaad yeelato.
Jabuuti,12 May 2008: Egrgaygga Gaarka ah ee Qarramadda Middobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould Abdallah, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maddaxdda Soomaaliyeed ay mudnaanta koo waad ay siiyeen sharfta iyo nabad ku soo dabaalidda wadankoodda
Hadalkanni wuxuu jeediyay ka dib markii uu ka qaybgalay xafladdii furitaanka wada haddalka Soomaliyeed ee lagu qabtay gurigga Ummadda Reer Jabuti (Baarlamanka)
Waxaa furitaanka xafladda haddalo ka jeediyay wakilo ka socady Ururka Middowga Afrika, Jaama cadda Carabta, iyo Middowgga Yurub. Si doo kale, waxaa meesha ka hadlay wakiilo ka socady, Dowladda Federaalka, Isbahaysidka dib u xureenta Soomaalaiya iyo Wassirka Arrimaha Diinta u qaabilsan Dalka Jibuuti.
Ergaygga Gaarka ah waxaa uu yiri waxaa aad ii dhiira geliyay taageeridda ballaran ee dadka soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool ay siinayaan wadda haddaladda dhex mara dadka Soomaliyeed. Wuxuunna rajaynayaa in ay sii wadi doonana taageeridda ay u hayaan wadda hadaladda socda si dhibka dalka ka jiro nabad loogu xaliyo.
“ Dadka intiisa badan, khaasatan da’yarta waxay igu yiraahdeen in ta laabadani ay tahay mid cusub oo muhiim u ah nabad ku soo dabaalidda waddan kooda”, ayuu yiri Ergaygga.
Muddane Ould- Abddallah waxaa uu xusuusiyay dadka Soomaaliyeed, in ayna jiraynin nabad ama xasilooni haddii aanan tanaasul la isu sameeynin, caddaalad iyo is cafin la helin.
“Waxaan ku boorinayaa in ay ka fekeraan dhibaatada daran ee siyaasadeed, , nabad gelyo iyo bani aadanimo xummo ee ka jirta waddan kooda si loo xaliyo dhibaatadas”, ayuu yirin Ergaygga.
Waxaa kaluu oogu baaqay bulshadda caalamka in ay sabir iyo dulqaad u yeeshaan Ummadda Soomaaliyeed ayna iska illobin.
Wuxuu umahad celiyay dowladda Jibuuti sidda ay shirka umarti gelisay unna habaysay wadda haddaladda.
wixii wardheeraad ah ee aad u baahatid, fadlan kalaxariir: Susanna Price, Public Information Officer, UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya ) Tel. +254 20 762 1192 (o) or +254 733 902020 (m).
Please visit: www.UN-Somalia.org |