|
Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyay booqashada Xubnaha Golaha Amaanka.
..............................................................................................
Jabuuti 29 May 2008: Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Siyaasada Soomaaliya, Ahmedou OuldAbdallah ayaa soo dhaweeyay booqashada Xubnaha Golaha Amaanka ay ku tagayaan Jabuuti si ay uga hadlaan arimaha Soomaaliya.
Ergayga Gaarka ah wuxuu yiri waxaan ka xumahay in ayna Xubnaha Golaha Amaanku u safri Karin dalka Soomaaliya arimo badan awgood, hase ahaatee Ergaygu waxuu yiri booqashada Golaha Amaanku waxay ku soo beegmaysaa ayadoo ay wada hadaladu socdaan.
“Tani waa fursad aad qaali ugu ah umada Soomaaliyeed si ay ugu muujiyaan Bulshada Caalamka sida ay uga go’antahay in dalkooda nabad lagu soo dabaalo” Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya.
“Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibada waa in ay arintan nabadaynta ah door ka cayaaraan, taageerana siiyaan. Maxaa yeelay madax banaanidii, sharaftii iyo karaamadii umada Soomaaliyeed ayaa meel ciriiri ah ku jirta”
Xubnaha Golaha Amaanka waxay Jabuuti joogi doonaan 2-3 Juun 2008. Mudada booqashadooduna waxay la kulmi doonaan Bulshada Caalamka, xubno ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Wadahadalada Soomaaliyeed waxay bilaaban doonaan 31 May. Ka dib markii wareegii hore ee wadahadlada uu dhacay, labada garaba waxay ku heshiiyeen in ay qaadaan tilaabo ‘Geesinimo’ leh, si qaab nabadeed loogu xaliyo dhibaatada wadanka ka jirta, isla markaasna ay ugu baaqaan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Amaankuba in la qaado waxii taloobo ah ee ku haboon, si loo hirgaliyo go’aanka kama dambaysta ah ee ka soo bixi doona wadahadaladan.
“Waxaa aad ii geesinimo galiyay hurumarka ilaa iyo hada la gaaray iyo taageerida baaxada leh ee ay dadka Soomaaliyeed ee dibada iyo gudaha ku nool siiyeen wadahadaladan” Hadalkaan waxaa yiri Egayga Gaarka ah- “Doowlada iyo Mucaaradkuba waxay muujiyeen wadaninimo aan leeleexad lahayn kuna aadan dib u heshiisiinta, waxayna xooga saareen in arinta Soomaaliyeed ay tahay muhiimadooda koobaad.
“Qaramada Midoobay waxay balan qaaday inay taageero buuxdo siin doonto labada garab iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed ee nabada jecel, waxayna ku rajo wayn tahay in arimaha murugsan ee dalka ay maanta bilaabatay waqtigii la xalin lahaa. Waxaan aad ugu mahad celinayaa Ururka Midowga Yurub gaar ahaan kaalmada dhaqaale ee uu ku deeqay iyo Dowlada Jabuuti sida deeqsinimada leh ee ay shirka u marti galisay.
Jabuuti 29 May 2008 – Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Siyaasada Soomaaliya, Ahmedou OuldAbdallah ayaa soo dhaweeyay booqashada Xubnaha Golaha Amaanka ay ku tagayaan Jabuuti si ay uga hadlaan arimaha Soomaaliya.
Ergayga Gaarka ah wuxuu yiri waxaan ka xumahay in ayna Xubnaha Golaha Amaanku u safri Karin dalka Soomaaliya arimo badan awgood, hase ahaatee Ergaygu waxuu yiri booqashada Golaha Amaanku waxay ku soo beegmaysaa ayadoo ay wada hadaladu socdaan.
“Tani waa fursad aad qaali ugu ah umada Soomaaliyeed si ay ugu muujiyaan Bulshada Caalamka sida ay uga go’antahay in dalkooda nabad lagu soo dabaalo” Ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Qarammada Midoobay u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya.
“Dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibada waa in ay arintan nabadaynta ah door ka cayaaraan, taageerana siiyaan. Maxaa yeelay madax banaanidii, sharaftii iyo karaamadii umada Soomaaliyeed ayaa meel ciriiri ah ku jirta”
Xubnaha Golaha Amaanka waxay Jabuuti joogi doonaan 2-3 Juun 2008. Mudada booqashadooduna waxay la kulmi doonaan Bulshada Caalamka, xubno ka socda Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliyeed.
Wadahadalada Soomaaliyeed waxay bilaaban doonaan 31 May. Ka dib markii wareegii hore ee wadahadlada uu dhacay, labada garaba waxay ku heshiiyeen in ay qaadaan tilaabo ‘Geesinimo’ leh, si qaab nabadeed loogu xaliyo dhibaatada wadanka ka jirta, isla markaasna ay ugu baaqaan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Amaankuba in la qaado waxii taloobo ah ee ku haboon, si loo hirgaliyo go’aanka kama dambaysta ah ee ka soo bixi doona wadahadaladan.
“Waxaa aad ii geesinimo galiyay hurumarka ilaa iyo hada la gaaray iyo taageerida baaxada leh ee ay dadka Soomaaliyeed ee dibada iyo gudaha ku nool siiyeen wadahadaladan” Hadalkaan waxaa yiri Egayga Gaarka ah- “Doowlada iyo Mucaaradkuba waxay muujiyeen wadaninimo aan leeleexad lahayn kuna aadan dib u heshiisiinta, waxayna xooga saareen in arinta Soomaaliyeed ay tahay muhiimadooda koobaad.
“Qaramada Midoobay waxay balan qaaday inay taageero buuxdo siin doonto labada garab iyo dhamaan dadka Soomaaliyeed ee nabada jecel, waxayna ku rajo wayn tahay in arimaha murugsan ee dalka ay maanta bilaabatay waqtigii la xalin lahaa. Waxaan aad ugu mahad celinayaa Ururka Midowga Yurub gaar ahaan kaalmada dhaqaale ee uu ku deeqay iyo Dowlada Jabuuti sida deeqsinimada leh ee ay shirka u marti galisay.
For more information please contact: Susannah Price, Public Information Officer, UN Political Office for Somalia (Nairobi, Kenya) Tel. +254 20 762 1192 (o) or +254 733 902020 (m).
Please visit: www.UN-Somalia.org |