United Nations Political Office for Somalia (UNPOS)
     

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyay booqashada Xubnaha Golaha Amaanka. ..............................................................................................

Nairobi 12 June 2008: Marka hore, waxaan rabaa in aan idiinkaga mahad celiyo sida wadaniyada leh ee aad u taageerteen Heshiiskii Nabada Soomaaliyeed ee lagu saxiixay dalka Jibuuti 9 Juun 2008. Waxaan helay teleefoono iyo iimeelo badan oo dhamaantood muujinaya sida aad u taageersantihiin heshiiska iyo isu tanasulka ay isu sameeyeen Garabyada Siyaasadda Soomaaliyeed.

Wali howlo badan ayaa qabyo ah. Waddankiina waxuu maantay si dhab ah ugu baahan yahay kaalmadiina ku aadan in laga dhaadhiciyo Bulshada Caalamka inay hada si ficil ah ay u muujiyaan una bixiyaan taageerraddii la ballanqaaday. Ballanqaadkani wuxuu rumoobi karaa oo kaliya marka aannu xaqiijino in Garabyada Siyaasadda Soomaaliddu ay dhowraan balantii ay galeen kuna aadanayd hellitaanka ciidamada nabad ilaalinta & fulinta arimaha bini’aadnimo ee uu dalku u baahanyahay. Garabyada Siyaasadda  Soomaaliyeed waxay bulshada caalamka ka codsadeen in ay ugu deeqaan dhaqaale ku filan taabo galinta ama meelmarinta heshiiska la gaaray.

Waxaan aad ugu dadaalaynaa sidii aannu u abbaabulilahayn Gudigii Wadaaga (eeg Qodobka 8aad ee heshiiska) ee Arimaha Nabadgalyada, Gudigii Heerka Sare (eeg Qodobka 9aad ee heshiiska) iyo Shirkii ku saabsanaa is-kaashiga Arimaha Siyaasada, Cadaalada, Dib u Heshiisiinta (eeg Qodobka 9aad ee heshiiska),  Dib u Dhiska iyo Horumarinta (eeg Qodonka 11aad ee heshiiska), sida ku cad heshiiska. Arimahani waxaay muhiim u yihiin taabo-galinta dadaallada ku aadan nabadaynta.

Waxaa aad loo rajaynayaa in talaabadani ay noqoto bilowgii dib u soo celinta Karaamadii, Madaxbannaanidii iyo Sharaftii Umadda Soomaaliyeed.

Sida badankiin aad  xasuusataan Soomaaliya ayaa doorwayn ka cayaartay dhexdhexaadintii Bangaladhesh iyo Bakistaan, ka dib markii u dhacay dagaalkii 1971 lala galay Sheekh Mujiibu Raxmaan, kaasoo lagu keenay Lahoor Diyaaradii Wasiirka Arimaha Dibada Soomiliyeed,  si Sheekh Mujiibu uu uga qayb galo shirkii kulan Madaxeedka Ururka Islaaamka kana dhacayay Bakistaan. Soomaaliya waxaa kaloo ay qayb ka qaadataay nadadayntii Tanzaaniya iyo Ugandha. Sidaas darteed waxaanu rajaynaynaa in aannu aragno Soomaaliya oo dib u hannata doorkeedii Qaranimo ee ku dhisnaa Sharafta iyo xurmada kuna aaddana nabadsamaynta.

Waxaa na soo maray waqti dheer oo Sideed iyo Toban Sano oo mugdi ah, hadaba dhamaanteen waa inaannu kartideena isugu gaynaa sidii aannu waqtigii mugdiga ahaa isaga illoobi lahayn una bilaabi lahayn nolol cosub.

Wallaalkiin

Ahmedou Ould Abdallah