Khudbadda wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay kuna aaddan kalfadhiga aan caadiga ahayn ee baarlamaanka federalka kumeel gaarka ah ee soomaaliyeed, kana dhacaya magaalada baydhabo 26-ka february 2006. ..............................................................................................
Mudane madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Af hayeenka baarlamaanka, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aden
Wasiirka koowaad, Mudane Cali Maxamed Geeddi
Xubnaha sharafta leh ee ku jira baarlmaanka federaalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliyeed.
Mudanayaal iyo marti sharafba,
Maanta waa maalin ku wayn taariikhda ummadda Soomaaliyeed.
Waa markii u horreeysay ee baarlamaanka federalka ku meel gaarka ah ee Soomaaliyeed ku kulmayo waddanka gudihiisa. Bacdamaa dadka Soomaaliyeed munaasabaddani sugayeen sanooyin badan, waxay maanta niyeysan karaan in la joogo waqtigii ay billaabi lahaayeen dib u dhiska waddankooda.
Dadka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamka ayagoo wada jira, waddo dheer oo dhib badan ayay soo wada mareen si loo soo gaaro meesha aan maanta joogo. Anigoo ah ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay, maanta waa maalin aan muddo dheer sugaayay in aan arko ilaa iyo intaan qabtay xafiiska sannadkii hore, waxaan aad ugu faraxsanahay inaan hallkaan idinla joogo maanta, aniga oo ay i wehliyaan xubnaha bulshada caalamka ah. Waxaadana naga guddontaan taageero buuxda anagoo iddiin rajeyneynaa mustaqbal wanaagsan.
Waxaan doonayaa in aan fursadan si niyad ah oogu mahad celiyo dhamman wadammaddi amaba ururaddi si gaar-gaar ah ama si wadajir ah (Bilateral or multilateral) oogu fidiyay ummadda Soomaliyeed kaalmo hagrasho la’an ah oo wakhtiyaysan si ay u surta gasho qab-soomidda malintan taarihkiga ah.
Maantay waa maalin ay dadka Soomaaliyeed aad ugu faani karaan, gaar ahaan xubnaha ka tirsan hay’aha ku meel gaarka ah ee federaaliga ah, khaasatan madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan iyo Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi, kuwaasoo dadaalkooda hagar la’aaneed uu suurto geliyay bayaankii 5-tii January ee sannadkan.
Joogitaanka halkan ay joogaan madaxda hay’adaha federaaliga ahi waxay xaqiijieysaa sida ay uga go’an tahay inay hirgaliyaan bayaankii Cadan. Waxaa kaloon dhihi karnaa joogitaanka madaxda hay’adaha federaaliga ahi in uu muujinayo sida ay uga go’antay inay taageeraan hoggaanka jira iyo aragtidiisaba.
Mudanayaal
Maantay, waxaa idin saaran mas’uuliyad aad u weyn. Laakin mar kasta oo aad dhibaato la kulantaan, waxaa la idinka doonayaa inaad la timaaddaan awooddii lagu xallin lahaa, taasoo aad kala soo baxaysaan kalsoonida iyo aminaaddi ay idin siiyeen dadka Soomaaliyeed oo muujiyey in ay idiinku kalsooni idinku qabaan oodna ku matalaysaan, isla markaana aad kaga tarjuntaan baahida ay u qabaan in waddankooda ay nabad iyo mustaqbal fiican ku helaan.
Uma baahna in lagu soo cel celiyo muhiimadda ay leedahay maantay, laakiin waxaan rabaa inaan idin xusuusiyo in mustaqbalka waddankiina uu ku jiro gacmihiina. Waxaad maraysaan xilli kala guur ah, waxaadna haysataan fursad aad go’gaan sahlan oo dantu kujirto aad ku qaadankartaan. Waana goaan aad qaadataan kan oo gu sahlan. Wuxuu noqon karaa goaankiina in anaad kala doorataan in fowdada, is qab qabsiga iyo kala dambayn la’aanta ay ka sii jirto waddankiina ama inaad dadkiina soomaaliyeed ku hoggaamisaan waddada lagu gaari lahaa dib u heshiisiin, dib u dhis, nabad iyo barwaaqaba. Haddaba, dadka soomaaliyeed iyo bulshada caalmkaba waxay idinka filayaan inaad qaadataan go’aanka saxda ah.
Rajada ummaddiina waxay ku xiran tahay, shirkiinan koowaad ee aad ku qabsateen waddankiina gudihiisa inay ka soo baxaan guulo wax tar leh, waxaanan idiin xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamkaba ay idinku bar bar taagnaan doonaan tallaabo kasta oo aad u qaaddaan dhinaca horumarka. Laakiin waxaa la idinka doonayaa in waddada lagu gaarayo horumarka aad adinku horsed kanoqotaan.
Waxaan ku kalsoonahay in waajibaadka idin saaran aad gudan doontaan, adinkoo la imaanaya dadaal dheeraad ah, niyad sami iyo ujeeddoo mideysan. INSHA ALLAAH isla markaana aad dadka soomaaliyeed uga tagi doontaan dhaxal wanaagsan oo ay ku faani doonaan mustqbalka.
Maanta waa maalin taariikhi ah, adinka ayaana la idinka doonayaa inaad ka faa’iideysataan. Fadlan uga faa’iideysta kulankiinan maanta ah sida ay ku jirto maslaxadda dadka iyo dalka soomaaliyeed.
Waxaan idiin rajeynayaa guul
Waad mahadsan tihiin
|